Maxaad ka taqaanaa shantii Golaha Sare ee dowladdii kacaanka? - BBC News Somali (2024)

Maxaad ka taqaanaa shantii Golaha Sare ee dowladdii kacaanka? - BBC News Somali (1)

Xigashada Sawirka, SOMALI ARCHIVE

Kacaanka wuxuu ku biloowday si dardar leh oo Soomaalida iyo adduunkuba la fajaceen, balse waa aragtiyaddii gumeysi-diidnimada iyo Soomaaliweyn-doonnimada waxyaabihii yeeshey saamayntii ugu badnayd gudo iyo dibadda.

Falsafadda lagu shaqaynayay waxay ahayd Hanti-Wadaag kaas oo laga soo minguuriyay falasuufayadii Karl Marks oo Jarmalka u dhashay iyo Vladamir Lenin oo ahaa asaasihii Midoowgii Soviet-ka. Wuxuu fikirkan ku dhisnaa hab dadka ay isku wada dabaqad yihiin, wax kastana ay dowladda leedahay.

Haddaba maxaan ka naqaanaa Shantii Golaha Sare ee Kacaanka?.

1: Siyaad barre

Wuxuu ahaa Madaxweynihii 3-aad ee Soomaaliya intii u dhaxeysay 21 Oktoobar 1969 - 26 Jannayo 1991. Maxamed Siyaad Barre oo la sheegay in u uku dhashay magaalada Garbaharrey qiyaastii 1919kii waxa uu afgembi kula wareegay xukunka 1969kii waqti ay jirtay xiisad siyaasadeed, isaga oo aasaasay golaha sare ee kacaanka. Waa la-laalay dastuurka, waxaa la xiray baarlamaanka, astaamaha xorriyada iyo doorashooyinka oo dhan, iyada oo dowladdii askartu la wareegtay dhammaan bangiyada, beeraha, warshadaha, iyo shirkadaha ganacsiga oo laga dhigay hanti dadweyne. Taas waxay dhidibada u aastay Hantiwadaagga ee laga soo guuriyay nidaamkii shuuciyadda ee dalalka barriga ka jiray.

Bilowgii kacaanka, Barre iyo xukunkiisa kacaanka waxa uu horkacay wax loo arkayay 'horumar deg deg ah', ayagoo si iskaa-wax-u-qabso ah ku dhisay waddooyinka, dugsiyada, xarumaha bulshad, cusbitaalo. Waxa uu sidoo kale hirgeliyay mashruucii qorista far-soomaaliga, iyo olelihii waxbarista reer guuraaga. Waxaa kordhay magaalowga, iyada oo afartan boqolkiiba ay gaareen Soomaalida magaalooyinka degay.

Waxaa si weyn loo maalgeliyay oo loo dhisay ciidamada xoogga iyo kuwa qalabka sida, waxay na Soomaaliya ka mid noqotey shanta wadan ee ugu awooda badan Afrika dhanka ciidanka. Laakiin wixii ka dambeeyay dagaalkii 77 ee Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaa xoogeysatay kacdoonka gudaha iyo diidmada nidaamka kacaanka, iyada oo ay xoogeysatay dareenka qabyaalada oo la sheegay in horey loo duugay, iyo eexda, iyo musuqa ka dhex jira hay'addaha dowladda.

Jabhado hubeysan oo ay ka mid yihiin SDF, SNM iyo USC ayaa dagaalo xoogan la galay dowladdii kacaanka, oo lagu eedeeyay in tacadiyo iyo dembiyo waaweyn ay ka geysteen gobollada Waqooyi, goboladda Mudug iyo Galgaduud iyo deegaano kale oo ay kasoo jeedeen madaxdii hoggaamineysay jabhadaha hubeysan.

Sannadihii dambe ee xukunkiisa waxaa aad u xoogaystay musuq maasuq iyo in awoodda dawladda lagu takri falo, caburin iyo xadgudubyo ka dhan ah siyaasiyiinta mucaraadka ah iyo xitaa dadka Shacabka ah. Kumanaan shacab ah ayaa lagu laayay duqeymo loo geystay magaalada Hargeysa oo si weyn loo burburiyay ilaa markii dambe Dhaqdhaqaaqa Wadaniga ee Soonaaliyeed (SNM) iyo jabhadihii kale ee USC ee jabiyeen ciidamadii kacaanka, oo laga qabsaday Hargeysa iyo magaalada Muqdisho, oo ahaa labada magaalo ee ugu waa weyn dalka.

Xukunkii Maxamed Siyaad Barre iyo Kacaankii Soomaaliyeed ayaa halkaas kusoo afjarmay know iyo labaatan sano kadib sanadkii 1991dii. Dhowr sano kadibna, Maxamed Siyaad Barre ayaa ku geeriyooday magaalada Lagos ee dalka Nigeria bishii Janaayo 2 ee sanadkii 1995-dii isagoo ah 75 sano jir.

2: Maxamed Cali Samatar

Maxaad ka taqaanaa shantii Golaha Sare ee dowladdii kacaanka? - BBC News Somali (3)

Xigashada Sawirka, SOMALI ARCHIVE

Waxa uu 35 sano ka mid ah ragga ugu sarreeya ee xilalka ka hayay Soomaaliya. Waxa uu noqday Wasiirka difaaca, Madaxweyne ku xigeen, Ra'iisul wasaare, isaga oo kaalin weyn ku lahaa dhismaha ciidanka xoogga iyo dagaalkii 77dii ee Itoobiya, kaas oo ay Soomaaliya ku dooneysay inay ku qabsato dhulka Soomaali galbeed.

Maxamed Cali Samatar waxaa uu ku dhashay tuulo ka tirsan Kismaayo, xarunta Jubbada hoose sanadkii 1935-tii, isagoo waxbarashadiisa hoose ku qaatay magaalada Muqdisho. Waxa uu ku biiray ciidamada sanadkii 1950-kii, waxa uu noqday madaxweyne xigeenkii ugu horreeyay Soomaaliya. Waxa uu noqday kusime madaxweyne kadib markii uu Siyaad Barre galay shilka gaari oo sababay in uu muddo ka maqnaado shaqada. Waxa uu sidoo kale noqday wasiirkii gaashaandhigga ee ugu mudada dheeraa Soomaaliya, isaga oo hayay xilkaas intii u dhexeysay 1971-1987dii.

Maxamed Cali Samatar waxa uu ka mid ahaa dadkii lagu eedeeyay inay kaalin weyn ku lahaayeen tacatiyaddii iyo dembiyadii ka dhanka ahaa xaquuqda aadanaha ee ay geystay dowladdii kacaanka. Dembigaas waxaa ku heshay maxkamad ku taal Mareykanka oo mar ku xukuntay in uu bixiyo 21 milyan oo doolar. Lacagtaas waxaa loo xukumay dada y dhibaato kasoo gaartay jirdil ay geysteen askartii kacaanka. Waxa uu noqday masuulkii ugu sarreeyay dowladdii kacaanka oo dacwad k adhan ah la horkeeno maxkamad shisheeye.

Janaraal Samatar oo u qaxay Talyaaniga markii xukunka laga tuuray dowladda kacaanka, waxa uu ku geeriyooday dalka Mareykanka bishii Agoosto, 2016kii.

3: Xuseen kulmiye Afrax

Maxaad ka taqaanaa shantii Golaha Sare ee dowladdii kacaanka? - BBC News Somali (4)

Xigashada Sawirka, SOMALI ARCHIVE

Sareeya Gaas Xuseen Kulmiye Afrax waxa uu 1920-kii ku dhashay magaalada Ceel-Dheer ee gobolka Galgaduud. Waxa uu muddo ka badan 50 sano kasoo shaqeynayay dowladnimadii Soomaaliya, isaga oo ciidamada ka tirsanaa muddo dheer. Waxa uu dowladdii kacaanka ka soo ahaa Madaxweyne Kuxigeen, Guddoomiye Baarlamaan, Wasiir iyo Taliye Ciidan.

Waxa uu tababarka ciidamada booliska ku qaatay Dugsiga Tababarka Booliska ee Muqdisho sanadkii 1939kii, isaga oo tababar kale oo sare ku qaatay Kenya 1944dii. Waxa uu sidoo kale tababar ciidan loogu qaaday Talyaaniga, isaga oo markii uu dhameystay noqday Taliyaha Booliska degmada Beledweyn.

Xuseen Kulmiye Afrax waxa uu 1960-1968-kii ahaa Gaashaanle Sare, oo ka tirsan Ciidamada booliska Soomaaliyeed. Hase ahaatee, waxa uu u dalacay Sarreeyo Guuto sanadkii 1968dii isaga oo ah taliye kuxigeenka ciidamada booliska Soomaaliyeed. Waxa uu kadib noqday wasiirka arrimaha gudaha, kadib markii loo dalacsiiyay Sarreeya Gaas. Waxa uu noqday madaxweyne kuxigeen koowaad intii u dhexeysay 1971-1976dii, kadib waxa uu noqday wasiirka qorsheynta qaranka iyo arrimaha gudaha. Burburkii kahor waxa uu ahaa guddoomiyaha Golaha Shacabka.

4: Axmed Saleebaan Dafle

Sarreeye Guuto Axmed Suleyman Dafle wuxuu ku dhashay magaalada Burco ee Gobolka Togdheer sanadkii 1937-dii. Waxa uu sanadkii 1959kii waxbarasho dhinaca ciidanka loogu diray Akademiyadda Ciidamada ee Ingiriiska, halkaas oo uu saddex sano wax ku baranayay. Waxa uu kusoo noqday Soomaaliya 1962dii isaga oo xiddigle ah, waxa uuna tababare ka noqday Dugsigii Saraakiisha ciidamada ee Muqdisho.

Sanadkii 1967-dii S/Guuto Axmed Suleyman Dafle waxaa uu taliye urur ka noqday ciidamadii fadhigoodu ahaa Magaalada Seylac, xilligaas oo ku begnayd waqtigii aftida laga qaadayay dalka Jabuuti. Waxa uu isla sanadkaas madax ka noqday Xafiiskii Wardoonka Ee Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo islamarkaas na xoghaye u ahaa Maxamed Siyaad Barre oo ahaa taliyihii ciidanka xoogga. Sanad kadib waxa uu u dalacay Gaashaanle, isaga oo 1969kii ka mid ahaa saraakiishii afgembiga kula wareegtay xukunka dalka kadib dilkii madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Dafle oo ay u dhaxday gabadhii Maxamed Siyaad Barre waxaa labo jeer la dalacsiiyay intii u dhexeysay 1970kii iyo 1971dii, iyada oo la siiyay darajooyinka Gaashaanle Dhexe iyo Gaashaanle Sare. Dalacsiinta dambe kadib waxa uu noqday taliyaha ciidanka Nabadsugidda Qaranka. Waxa uu xubin ka noqday Guddigii Golaha Sare ee Kacaanka sanadkii 1974dii, isaga oo qaabilsanaa dhinaca nabadgelyada. Labo sano kadibna, waxaa loo dalacsiiyay sarreeye guuto. Waxa uu Dafle ka mid ahaa dadka ugu dhawaa Siyaad Barre, iyada oo lagu eedeeyay in uu qeyb ku lahaa tacadiyo iyo dembiyo ay geystay hay'adda nabadsugidda intii xilka hayay, iyo tacadiyo kale ee ay geysteen kacaanka. Wixii ka dambeeyay markii xukunka la riday kacaanka, waxa uu Axmed Dafle ku noolaa dalka dibadiisa.

5: Axmed Maxamuud Faarax

Gaashanle Sare Axmed Maxamuud Faarax, waxaa uu soo ahaa Wasiirkii hore Macdanta iyo Biyaha Dowladii Kaacanki soomaaliyeed isagoo xilal kala duwn ka soo qabtay dowladda.

Wuxuu ka mid ahaa Guddigii Siyaasadda ee Xafiiskii Hanti wadaagga oo Ka koobanaa 5-ta Golaha Sare Kaacanki.

Waxa uu soo noqday Wasiirkii Boostada & Isgaarsiinta ,Wasiirkii Warshadaha iyo Wasiirkii Ganacsiga.

Fiiro gaar ah: Warbixintan dib ayaa loo cusbooneysiiyay iyada oo lagu kordhiyay xog cusub iyo faahfaahin dheeraad ah.

Maxaad ka taqaanaa shantii Golaha Sare ee dowladdii kacaanka? - BBC News Somali (2024)
Top Articles
Latest Posts
Article information

Author: Laurine Ryan

Last Updated:

Views: 5538

Rating: 4.7 / 5 (77 voted)

Reviews: 84% of readers found this page helpful

Author information

Name: Laurine Ryan

Birthday: 1994-12-23

Address: Suite 751 871 Lissette Throughway, West Kittie, NH 41603

Phone: +2366831109631

Job: Sales Producer

Hobby: Creative writing, Motor sports, Do it yourself, Skateboarding, Coffee roasting, Calligraphy, Stand-up comedy

Introduction: My name is Laurine Ryan, I am a adorable, fair, graceful, spotless, gorgeous, homely, cooperative person who loves writing and wants to share my knowledge and understanding with you.